Weerar dhanka Internet oo lagu qaaday Iiraan.

0
193

Baladweyne (Radio Beerlula)- Hay’addaha isgaarsiinta Iran ayaa la kulmay weerarkii ugu weynaa ee dhinaca internetka oo la isku dayay saacadihii u dambeeyay in guud ahaan hawada laga saaro.

Weerarkan dhanka Internet-ka ayaa lagu beegsaday bankiyada iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha Iran, sida u sheegay madaxa isgaarsiinta dawladda Iran , Behzad Akbari

Dowladda Iiraan ayaa xaqiiijisay inay ka hortageen weerarrada internetka ee lagu soo qaaday oo ku soo aaday xilli uu qarax weyn maalin ka hor burburiyay qeybo ka mid ah dekedda ugu weyn ee Iran, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Lama sheegin cidda weerartay isgaarsiinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha Iran, balse Iran ayaa inta badan ku eedeysa inay Israa’iil ka dambeyso weerarrada internetka ee ka dhaca dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here