Kooxo burcad ah oo dhanka Internet-ka ah oo abuuray shirkado been abuur ah oo dadka lagu dhaco.

0
100

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbixinno cusub oo ay shaaciyeen hay’addaha ammaanka internet-ka iyo FBI-da ayaa lagu sheegay in koox budhcada internet-ka ah oo ka tirsan kooxda Lazarus ee Waqooyiga Kuuriya ay adeegsadeen shirkado been abuur ah oo Maraykanka laga diiwaangeliyey si ay u beegsadaan shirkado ka shaqeeya lacagaha Cryptocurrency.

Shirkadahaas oo lagu magacaabo Blocknovas iyo Softglide, ayaa u loo eekaysiiyey kuwo sharci ah, balse dhab ahaantii waxaa laga maamulayay gudaha Waqooyiga Kuuriya.

Kooxdan ayaa adeegsatay barnaamijyo Malware-ah sida RN Loader iyo RN Stealer, kuwaas oo awood u leh inay xadaan xogaha xasaasiga.

Weeraradan oo qaarkood horey u dhacay, ayaa la rumeysan yahay inay sababeen khasaaro lacageed oo ka badan hal bilyan oo dollar, iyadoo qayb ka ah dadaallada Waqooyiga Kuuriya ay ku maalgelineyso barnaamijyadeeda milatari iyo inay ka fogaato cunaqabateynta reer galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here