Baladweyne ( Radio Beerlula)- Golaha guud ee qaramada midoobay iyo hay’adda waxbarashadda , seyniska iyo dhaqanka ee qaramada midoobay ee UNESCO ayaa sannadkii 1993-dii meel mariyay in sannad kasta 3-da bisha May oo maanta ku beegan dunida laga xuso maalinta caalamiga ee xoriyadda saxaafadda Adduunka.
Maalintan ayaa lagu sharfa suxufiyiinta, isla markaana lagu muujiyo doorka warbaahintu ku leedahay horumarka waara iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah.
Xuska maalintan oo lagu qabto dunida oo dhan ayaa lagu soo bandhig halista iyo caqabadaha ay suxufiyiintu la kulmaan, difaaca xuquuqda saxafiyiinta, gaar ahaan marka ay la kulmaan cabsi, weerar ama cadaadis, iyo kordhinta wacyiga bulshada ee ku saabsan muhiimadda warbaahinta madax-bannaan.
Agaasimaha wasaaradda Warfaafinta Hirshabelle Yasiin Axmed Maxamuud ayaa kawaramaya waxyaabaha hour,marka ay ka qabteen arimaha saxaafada.
Tafatiraha idaacadda Beerlula Cabdiqaadir Cumar Ibraahin Nadaara ayaa sheegay in ka idaacad ahaan wax badan ka qabteen horumarinta bulshada ayna sii wadi dooonaan
Qaar kamid ah bulshada Baladweyne ayaa sheegay in ay door muhiim ah uga jiraan ilaalinta sharafta iyo amaanka wariyayaasha iyo warbaahinadooda intaba.
Warbaahinta iyo saxafiiyinta ka howlgala goobaha colaadaha ayaa inta badan la kulma dil, dhawac, xarig iyo jirdil, iyadoo tan iyo bishii janaayo ee sannadkan la dilay 15 saxafi, waxana intooda badan ku dhinteen magaalada Qasa, halka sannadkii 2024-kii la dilay 122 saxafi sida laga soo xigtay ururada u dooda saxafiyiinta ee CPJ iyo IFJ.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.


