Baladweyne ( Radio Beerlula)-Shan qof ayaa lasoo badbaadiyay kadib markii ay 36 saacadood ku qaateen diyaarad dusheeda oo qasab loogu dejiyay haro uu yaxaas ka buuxo oo ku taalla keymaha Amazon kadib markii ay diyaaradda cillad lasoo gudboonaatay.
Diyaaradda yar ayaa waxaa shalay arkay rag kalluumeysato ah oo ku sugnaa gobolka Amazonas ee dhanka Bolivia ee koonfurta Mareykanka.
Dadka badbaaday – oo kala ah saddex haween, ilmo yar iyo duuliyaha oo 29 jir ah – ayaa lagu soo badbaadiyay helikobtar, xaalkoodana wuu wanaagsan yahay.
Howlgal samatabixin ah ayaa la bilaabay kadib markii ay diyaaradda ka luntay raadaarka.


