Isbitaal iyo suuq ku yaalla koonfurta Suudaan oo la burburiyay.

0
150

Baladweyne ( Radio Beerlula)-Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xudduudda Lahayn ee (MSF) ayaa sheegtay in helikobtar hub sidda ay bam ku ridday isbitaalka ay maamusho ee Old Fangak, ee gobolka iyo suuq ku yaalla deegaankaasi.

Ugu yaraan toddobo qof ayaa dhintay sida ay sheegtay hay’ad samafalka caafimaadka ka shaqeysa, iyadoo uu sii kordhayo walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho dagaal sokeeye.

Jonglei, kaasoo digada noqday, kahor inta aysan diyaaraddu rasaas ku harqin magaalada muddo 30 daqiiqo ah.

Diyaarad aan duuliye la socon ayaa kadibna bam ku ridday suuq isla aaggaas ku yaalla, sida ay sheegtay MSF.

Isbitaalka waa kan keliya ee ku yaalla deegaanka Fangak, oo ay ku nool yihiin bulsho ka badan 110,000, sida ay sheegtay MSF, sidoo kalena waxaa la burburiyay dhammaanba saadkii caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here