Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Dhagax dhigay dib u dhiska Waddada laamiga ah ee isku xirta degmada Guriceel iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, taasi oo lagu dhisayo iskaashiga Dowladda iyo Shacabka Galmudug.
Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiiro , Xildhibaano, Gudoomiyaha Degamada Guriceel iyo xubno ka socday Ururada Bulshada.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


