Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada Laamiga Keysaney ee Degmada Kaaraan, taasi oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Kaabayaasha ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda dhagaxdhigga dhismaha waddada Laamiga Keysaney ee Degmada Kaaraan, waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Faarax Cadaani, Maxamed Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiin, , Ganacsato iyo qeybaha kala kala duwan ee Bulshada Degmada Kaaraan.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.


