Al Hilal Oo Cusbooneysiisay Wadahadalladii Ay Kula Jirtay Bruno Fernandes

0
150

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Al-Hilal ayaa weli xiriir la leh wakiillada kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, waxaana la filayaa inay todobaadkan la yeeshaan wareeg cusub oo wadahadallo ah, sida uu sheegay Ben Jacobs.

Kooxda horyaalka Sacuudiga ayaa doonaysa inay helaan caddeyn buuxda maadaama ay qorsheynayaan saxiixyo waaweyn ka hor tartanka Koobka Adduunka ee Naadiyada. Fernandes waxaa la siin doonaa hal toddobaad si uu uga fiirsado oo uu go’aan kama dambeys ah uga gaaro dalabkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United waxay weli ku adkeysanayaan in Fernandes aan la iibin doonin. Inkasta oo xiisaha Al-Hilal uu dib u soo cusboonaaday, haddana xiddiga reer Portugal ma muujin wax dan ah oo uu u qabo inuu ka tago kooxda, isagoo diiradda saaraya doorkiisa Old Trafford.

Fernandes horey ayuu ugu sheegay Al-Hilal inuu doonayo inuu sii joogo Manchester United ilaa ugu yaraan kadib Koobka Adduunka ee 2026.

Bruno Fernandes ayaa xilli ciyaareedkan ciyaaray 53 kulan dhammaan tartamada, isagoo dhaliyay 19 gool isla markaana bixiyay 16 caawin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here