Baladweyne: Kooxda Najax oo 8-5 uga badisay dhigeeda Raam

0
77

Baladweyne ( Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta shirkadda dhismaha ee 𝐍𝐚𝐣𝐚𝐱 ayaa 𝟖-𝟓 uga badisay kooxda 𝐑𝐚𝐚𝐦 𝐒𝐭𝐮𝐝𝐢𝐨 kadib ciyaar xiiso badan oo caawa ku dhaxmartay garoonka kubadda cagta Afyare ee magaalada Baladweyne.

Kooxda kubadda cagta Raam ayaa gabi ahaanba ka hartay tartanka halka kooxda Shirkadda dhismaha ee Najax ay u gudubtay wareega xiga.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 16 kooxood oo matalaya goobaha ganacsiga, Waxbarashada iyo caafimaadka magaalada Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here