Hoos u dhac laga dareemayo qiimaha qudaarta Suuqyada Baydhabo

0
156

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Suuqayada lagu iibiyo Khudaarta ee magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa hoos u dhac balaaran oo ku yimid qiimaha Khudaarta.

Jirgaanka Yaanyada ayaa la iibinayaa 300 boqol oo shilin soomaali halka markii hore la iibin jiray 500 boqol oo shilin Soomaali, sakeelka bisbaaska ayaa ka iibinaya 250 shilin soomaali halka markii hore la iibin jiray 700 oo shilin soomaali ah hoos u dhaca ku yimid qiimaha khudaarta waxaa sababay iyadoo suuqa la keenay Khudaar badan islamarkaana uu hakad ku yimid gaadiidka ka dhoofin jiray Magaalada Khudaarta maadamaa roobabka Gu’ga ay saameeyeen wadooyiinkii ay mari jireen gawaaridaan.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here