Mareykanka oo sharci qaxootinimo siiyay dad midab takoor kala kulmay Koonfur Afrika.

0
232

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu yeeray koox ka kooban 59 caddaan Koonfur Afrikaan ah oo u guuray Mareykanka fulayo isagoo sheegay in ay dhaqso u soo laaban doonaan.

Kooxdaan Afrikanka ah ayaa gaadhay Maraykanka Isniintii ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu siiyay sharci qaxootinimo, isagoo sheegay inay la kulmeen midab takoor.

“Haddii aan nahay dadka Koonfur Afrikaanka ah waxaan nahay dad adkeysi badan, kama cararno dhibka na haya, waa inaan halkaan joognaa oo aan xalinnaa dhibaheena, marka aad cararto waxaad tahay fuley, taasina waa fal fuleynimo oo dhab ah” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Trump iyo saaxiibkiisa ugu dhow, ee u dhashay Koonfur Afrika, Elon Musk, ayaa sheegay in Koonfur Afrika uu ka dhacay “xasuuq” ka dhan ah beeralayda caddaanka ah – sheegashadaas oo si weyn looga soo horjeestay.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Koonfur Afrika in ay la wareegtay dhul ay lahaayeen beeraley caddaan ah oo aan wax magdhow ah laga siin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here