Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janaraal Asad Cismaan Cabdullahi, Guddoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdishu Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda ayaa goob joog ka ahaa dhagax dhiga xarunta wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


