Dhimashada duqaymaha Isra’iil ee Qaza oo kor u dhaaftay 100 qof

0
212

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saraakiil caafimaad oo ku sugan marinka Qaza ayaa sheegay in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqaymaha Israa’iil ee marinka.

Intooda badan ayaa dhintay ka dib markii la beegsaday kaamamka iyo guryaha deegaanka u ahaa qoysaska barakacay ee aaga Khaan Yoonis.

Saxafiyiinta deegaanka ayaa sheegay marinka cisbitaalka Nasser ay buux dhaafiyeen dhaawacyada, ayna buux sameen qaybta maydadka.

Waxaa jira warbixino la xiriira in cisbitaalka Yurubiyaanka ee Khaan Yoonis uusan shaqeynayn adeegyadiisa ayna sabab u yihiin duqaymaha.

Amaro cusub oo barakicin ah oo Israa’iil ay soo saartay ayaa sidoo kale sababay argagax ka dhaca Galbeedka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here