Baladweyne ( Radio Beerlula)- Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa 8-dii bishii December ee sannadkii 2017-kii meel mariyay in sannad kasta 16-ka bisha May oo maanta ku beegan dunida looga dabal dego maalinta Caalamiga ah ee wada-noolaanshaha Nabada, si meesha looga saaro colaadaha, qabyalada iyo wax kasta oo xad gudub ku ah wada noolashaha iyo nabadda.
Xuska maalintan ayaa la bilaabay sannadkii 2018-kii iyadoo hadafka loo aasaasay uu yahay si loo dhiirrigeliyo in dadku is-aaminaan, isku dulqaataan, una wada noolaadaan si nabad ah.
Mid ka mid ah ujeeddooyinka Qaramada Midoobay waa in la gaaro iskaashi caalami ah si loo xalliyo dhibaatooyinka caalamiga ah, oo ay ku jirto dhiirrigelinta iyo kor u qaadidda ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee qof kasta, iyada oo aan loo eegin isir, jinsi, luqad ama diin.
Faa’iidada ugu weyn ee maalintani u leedahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ah inay abuurto fursad lagu xoojiyo midnimo, nabad waarta, iyo horumar bulsho oo sal adag leh, waana maalin loo isticmaali karo in qalbiyada la isku soo dhoweeyo oo lagu abuurayo jiil cusub oo nabad ku fikiraya.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo sannadkii 1991-dii oo hadda laga joogo 34 sano la daala dhaceysa colaado galaftay nolosha dad badan islamarkana dad badan ay ka dhaxleen xanuuno maskaxda ah iyo burbur soo gaaray kaabashii dhaqaalaha.
Warbixintan waxaa noo haya Bilaal Daahir Waaaneey


