Gabar Tiktok caan ka ahayd oo la dilay iyadoo toos ula hadleysa taageerayaasheeda.

0
237

Baladweyne ( Radio Beerlula)-Gabar 23 jir ahayd oo u dhalatay dalka Mexico isla markaana caan ka ahayd baraha bulshada ayaa la toogtay iyadoo si toos ah muuqaal uga baahineysay barteeda TikTok, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka.

Valeria Marquez ayaa la dilay ka dib markii nin uu soo galay goob lagu qurxiyo haweenka oo ay ku laheyd magaalada Guadalajara, isagoo rasaas ku furay.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee weerarkaasi loo fuliyey, balse waxaa baraya xeerilaalinta iyo booliska si loo ogaado sababta keenta dilka gabdhan caanka ka aheyd baraha bulshada.

Dilka iyo tacaddiga ku salaysan jinsiga ayaa aad ugu badan dalka Mexico, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in celcelis ahaan 10 haween ah la dilo maalintii, inta badanna ay geystaan rag qaba ama xubno qoysaskooda ka tirsan.

Daqiiqado yar ka hor geerideeda, Ms Marquez waxay fadhiday miis iyadoo gacanta ku haysa kartoon yar oo loo ekeysiiyay xayawaan, gudaha salon-keeda, iyadoo si toos ah barteeda Tiktok ugala hadlaysay taageerayaasheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here