Baladweyne ( Radio Beerlula)-Magaalada Buulo burte ee gobalka Hiiraan ayaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen ardayda Culuumta Shareecada Islaamka iyo Xifdinta qur’aanka kariimka Islmarkaana ka aflaxday Machadka Daarul Bader.
Munaasabada waxaa ka qeybgalay Maamulka Degamada, Maamulka Machadka, Culimo udiin, Waalidiin,Macallimiin iyo qaybaha kale ee bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey.


