Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkadda TikTok ayaa si rasmi ah u shaacisay tijabadii ugu horreysa ee muuqaal-sameynta AI, taasoo lagu magacaabo “TikTok AI Alive”.
Tani waxay u oggolaaneysaa isticmaaleyaasha in ay sawirradooda ku beddelaan muuqaallo dhaqdhaqaaq leh oo lagu sameeyo TikTok Stories.
Barta TikTok oo lagu soo gudbiyo muuqaalo gaa gaaban ayaa wada dadaalo lagu xalinayo caqabado ku xeeran bartan oo la xiriira anshax xumo iyo halis dhanka amniga xogta ah taasoo dhowr jeer lagu eedeeyay bartan, iyadoona dowladaha qaar ay ka mamnuuceen dalalkooda.
Bartan laga lee yahay dalka Shiinaha ayaa tartan xoogan kula jirta baraha bulshada ee laga lee yahay dalka Mareykanka.


