Hor dhaca: Hiiraan Waste Management Center Vs Goodir Mall.

0
226

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Garoonka kubadda cagta Afyare Stadium ayaa caawa martigelin doono kullan xiiso badan oo ay isaga hor imaan doonaan kooxaha Hiiraan Waste Management Center Vs Goodir Mall kaasi oo qeyb ka ah tartanka ganacsatada magaalada Baladweyne.

Kullankaan ayaa waxaa la filayaa in ay usoo daawasho tagaan Gudoomiyaha Kubadda Cagta Gobalka Hiiraan ,Gudoomiyaha Kubadda cagta Degamada Baladweyne ,Xoghayaha kubada Cagta Gobalka Hiiraan, Dhallinayaro , Ganacsato iyo taageerayaasha labada kooxood.

labadaan kooxood midii caawa badisa waxay si toos ah ugu gudbi doontaa wareega labaad ee tartanka.

Xogta kullanka 

Waste Management Center Vs Goodir Mall

Waqtiga: 8:00 PM habeenimo.

Goobta: Garoonka Afyare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here