Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Kismaayo ololaha talaalka isku dhafan ee ka hortagga cudurrada Jadeecada , Oof-wareenka iyo Shuban biyoodka.
Munaasabada lagu daahfurayey Ololahaan talaalada ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiiro , Xildhibaano, Xubno ka socday Ururada Dhaqaatiirta iyo bulshada qaybaheeda kale.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey.


