Baladweyne ( Radio Beerlula )-Jaamacadda Golis faraceeda magaalada Ceerigaabo oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaliland ayaa adeegyo Caafimaad oo bilaash ah ka sameeysay deegaanka Mindisho oo ay ku nool Barakacyaal badan.
Adeegyada caafimaad ee loo sameeyay qoysaskaan danta yar ayaa waxaa kamid ah baaritaano, daweeyn , iyo wacyigelin ku saabsan cudurrada Faafa.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaney.


