Gargaar lagu wado inuu gaaro Qasa.

0
148

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hogaanka Xamaas iyo Israaiil oo kulan wada yeeshay ayaa isku afgartay in 400 oo baabuur gargaar ah ay soo galaan maalintii, iyo in bukaannada caafimaadka laga daadgureeyo Qasa.

Xamaas ayaa sidoo kale oggolaatay inay sii deyso sagaal la haystayaal ah oo ay ku badalato xabbad joojin 60 maalmood ah iyo in Israa’iil sii deyso maxaabiista Falastiiniyiinta.

Wareegga cusub ee wadahadallada xabbad joojinta ayaa waxaa dhex-dhexaadinaya Qadar iyo Mareykanka oo ku sugan magaalada Dooxa.

Labada dhinac ayaa wali si rasmi ah u dhaqan galin soo jeedintan ku saabsan joojinta colaadda, helista gargaarka iyo daadgureynta bukannada u baahan adeegyada caafimaadka ka baxsan Qasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here