Lamine Yamal Oo Dhigay Rikoodh Cusub Oo Taariikhi Ah Oo Iibka Funaanadaha Barcelona Ah

0
152

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Lamine Yamal ayaa si weyn u kasbaday hadal haynta caalamka kaddib markii uu jebiyay rikoor cusub oo kooxda Barcelona ah, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu badnaa ee maaliyadihiisa la iibsado maalmo gudaheed.

Sida uu sheegay wariyaha Miguel Rico, funaanadda Nike ee Yamal ayaa noqotay tan ugu iibka badan taariikhda kooxda hal maalin gudaheed. Iibkaasi wuxuu keenay dakhli gaarey $2.1 milyan wax ka yar 24 saacadood gudahood.

Kororka xiisaha uu Yamal helayo ayaa yimid iyadoo uu si tartiib tartiib ah uga noqday mid muhiim ah Barcelona, islamarkaana la filayo inuu xagaagan qeyb ka noqdo xulka Spain ee ciyaaraya Euro 2025. Yamal oo 17 jir ah ayaa durba noqday astaan ganacsi oo weyn oo kooxda reer Catalonia ah.

Waxqabadka Yamal iyo muuqaalkiisa oo si degdeg ah u koraya ayaa ka dhigay xiddigga ugu weyn suuq-geynta Barcelona, iyadoo kooxda ay hadda dooneyso inay ka faa’iideysato awoodiisa ciyaareed iyo tan ganacsi. Inkasta oo uu da’yar yahay, haddana si deggan ayuu u wajahaa xiisaha iyo cadaadiska, sida ay sheegeen tababarayaashiisii hore ee La Masia.

Iyada oo Camp Nou dib loo furayo xilli ciyaareedka dambe, Barcelona waxay filaysaa in saameynta Yamal — iyo awooddiisa suuq-geyn — ay sii korodho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here