Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ka daah-furtay Mashruuca Horumarinta Nabadeynta iyo Dowlad-dhiska dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada Jubbaland.
Munaasabadda daah-furka mashruucan ayaa waxaa kasoo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Cabdirashiid Caamir Ururrada Haweenka, Dhalinyarada, Odayaasha dhaqanka, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada Kismaayo.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


