Sacuudiga oo xujeyda uga digay faafinta wararka been abuurka ah.

0
108

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday qodobo saldhig u ah arrimaha Xajka ee laga doonayo xujeyda.

Ujeedka qodobbadan ayey wasaaraddu ku sheegtay in ay tahay badqabka xujeyda iyo in ay si fudud oo deggan u gutaan waajiboodkooda Xajka.

Wasaarada waxay ku adkeysay dhammaan dadka in ay si buuxda u raacaan qeynuunadan Xajka si loo xaqiijiyo badqabka iyo ammaanka xujeyda.

Cidii jabisa qeynuunadan waxay la kulmeysaa ciqaab dhinaca sharciga ah.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale xujeyda sanadkan uga digtay faafinta wararka been abuurka ah sida goobaha ay degan yihiin, gaadiidka iyo goobaha barakeysan.

Xujeyda ayaa lagu adkeeyay in ay dhowraan qeynuunada u degsan dalka Sacuudiga inta ay gudanayaan waajibkooda xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here