Baladweyne (Radio Beerlula)- Maamulka Dugsiga Hoose , Dhexe iyo Sare ee Ibraahim Seedow ee magaalada Baladweyne ayaa xarunga Dugsiga kusoo xiray Tartan kubada cagta kaasi oo loo qabtay ardayda wax ka barto dugsiga.
Ciyaarta kama dambeysata waxaa wada ciyaaray Fasalada 4aad iyo 7aad waxaana tartanka ku guuleystay fasalka 7aad kadib markii Rigoorayaal kaga adkaadeen 5 iyo 4 dhigooda afaraad madaama ciyaarta ku dhamatay waqtigii loogu talagalay Barbaro 1 iyo 1.
Ujeedka loo qabtay tartanka ayaa ahaa Isdhexgalka Iyo sidi sare loogu qaadi lahaa xirfadaha Dhallinyarada ciyaarta kubadda cagta islamarkana dhiga Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Ibraahim Seedoow.



