Trump oo Ramaphosa ka hor sheegay dhibaato Koonfur Afrika ay ku wajahayaan dadka cadaanka

0
109

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kulan ujeedkiisu ahaa qaboojinta xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Koonfur Afrika ayaa beddelkeeda waxaa ka dhashay dooda isdifaacda ee madaxweyne Donald Trump isaga oo ku andacoonaya in beeraleyda caddaanka ah ee dalkaasi la laayo oo “la dhibaateynayo”.

Booqashada Ramaphosa ee Aqalka Cad oo u jeedku ahaa hagaajinta xiriirka ay la leeyihiin Washington ayaa sidoo kale timi todobaad ka dib markii uu Maraykanku magangelyo siiyey ku dhawaad 60 Afrikaanaska, iyada oo Koonfur Afrika ay dhibsatay arintaasi.

Taa baddalkeeda, Trump ayaa kaga yaabsaday Ramaphosa intii lagu jiray shir jaraa’id oo toos ah oo si weyn loo cambaareeyay sheegashada “xasuuq cad” ee Koonfur Afrika.

Waxa uu daaray muuqaal muujinaya mudaharaad ay ku muujinayaan kumanaan isgoosyo jid gooya ah – isaga oo ku andacoonaya in ay ahaayeen goobo lagu aasay beeralayda caddaanka ah ee la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here