Tottenham Oo Ku Guuleysatay Europa League Kadib Guul Taariikhi Ah Oo Ay Ka Gaartay Manchester United

0
150
Soccer Football - Europa League - Final - Tottenham Hotspur v Manchester United - San Mames, Bilbao, Spain - May 21, 2025 Tottenham Hotspur's Guglielmo Vicario in action with Manchester United's Leny Yoro REUTERS/Andrew Couldridge

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Tottenham Hotspur ayaa qaaday koobkoodii ugu horreeyay ee weyn tan iyo 2008, kadib markii ay 1-0 kaga adkaadeen Manchester United kulankii kama dambeysta ahaa ee UEFA Europa League, oo ka dhacay garoonka San Mamés ee magaalada Bilbao, Spain, May 21, 2025.

Goolka kaliya ee ciyaarta ayaa yimid daqiiqaddii 42-aad, markii kubad uu Brennan Johnson ku darbeeyay goolka ay si lama filaan ah uga leexatay daafaca United ee Luke Shaw, taasoo loo xisaabiyay gool uu iska dhaliyay Daafaca.

Manchester United ayaa isku dayday inay barbaro keento qeybtii labaad, waxaana ugu dhoweyd gool uu ka badbaadiyay Micky van de Ven oo gool line-ka ka saaray, balse Spurs ayaa ilaalisay hoggaankooda si ay ugu dabaaldegto hanashada koobka.

Tani waa markii saddexaad ee Tottenham ku guuleysato UEFA Cup/Europa League, waxaana sidoo kale ay noqonaysaa koobkoodii ugu horreeyay ee Yurub tan iyo sanadkii 1984. Tababaraha Ange Postecoglou ayaa ku hogaamiyay Spurs guushan muhiimka ah, taasoo u xaqiijisay booska UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka 2025–26.

Dhanka Manchester United, guuldarradan ayaa dhameystirtay xilli ciyaareed adag oo aysan helin wax u qalma tartamada Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here