Baldweyne ( Radio Beerlula )-Dadaallada hadda socda ayaa ujeeddadoodu tahay in cayayaanka laga daweeyo infekshanka halkii laga daweyn lahaa cudurka.
Balse koox ka tirsan jaamacadda Harvard ayaa helay labo daawo oo cayayaanka ka dili kara malaariyada.
Duumada waxay ka mid tahay caabuqyda loo dhinto ee adduunka ka jira gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxaraha halkaas oo boqolaal kun ay sanad kasta u dhintaan.
Shandarawada ama mara kaneecada ayaa kamid ah qaababka lagu guuleystay ee looga hortago malaariyada, maadaama ay kaneecadu badanaa habeenki soo badato.
Tallaalka duumada waxaa loogu talogalay in looga hortago kaneecada taas oo khatar ku ah nolosha, waxayna badbaadisaa carruurta ku nool goobaha ay kharata ba’an u uku hayo xanuunkan.
Kaddib cilmibaaris socotay sanado ayey hay’adda caafimaadka WHO ogolaatay tallaal la yiraahdo RTS in la siiyo carruurta ku nool gobolada ay ka jirto duumada. Taasina waxay noqotay guul laga gaaray ka hortagga duumada.


