Maalinta caalamiga ah ee isku furanka haweenka oo maanta dunida laga xusayo

0
124

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sannad kasta 23-ka bisha May maanta oo kale Waxaa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ah ee joojinta Fistulada ama isku furanka taas oo sare u qaadeyso wacyigelinta sidii lagu ciribtiri laha xaaladaan caafimaad.

Hey’ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO ayaa waxay maanta oo kale abaabushaa taageero caalami ah oo loogu talagalay haweenka si looga hadlo ciribjarida iskufuranka.

Sannadkii 2013-dii ayuu golaha guud ee qaramada midoobay meelmariyay in sannad kasta 13-ka bisha May oo maanta ku beegan dunida looga dabal dego.

Ujeedada maalintan waxaa ka mid ah In la kordhiyo wacyigelinta ku saabsan isku furanka, In la dhiirrigeliyo wax ka qabashada xanuunka si dunidu uga takhalusto gebi ahaan, In la taageero haweenka la tacaalaya dhaawacan, iyo in la kordhiyo adeegyada caafimaad ee ka hortagga iyo daweynta isku furanka.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here