Baladweyne ( Radio Beerlula )-Deeqdan raashiinka ah oo ka timid Xarunta Gargaarka iyo hawlaha Bani’aadanimada ee Boqor Salmaan ayaa Hey’adda Tadaamun oo kaashaneysa maamulka magaalada Baydhabo iyo wasaaradda gargaarka Koonfur galmbeed Soomaaliya wexeey magaalada Baydhabo ugu qaybiyeen inkabadan 1000 qoys oo ku nool kaamamka barakacyaasha magaalada magaaladaasi.
Deeqdaan raashiinka ayaa ka koobneed Bariis, Baasto , Bur iyo Saliid waxana goob joog ahaa qaybinteeda Wasiiro , Gudoomiyaha Arrimaha bulshada Degamada Baydhabo, iyo mas’uuliyiin kale.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


