Ingiriiska oo xabsiyada ka billaabaya in la dhufaano dadka kufsiga gaysta.

0
124

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mashruuc tijaabo ah oo lagu dhufaanayo dadka kufisga caadesyta ayaa lagu baahin doonaa illaa 20 xabsi oo dalkaas ku yaal sida ay Wasaaradda Caddaaladdu shaacisay.

Wasiirradda Caddaaladda UK Shabana Maxamuud ayaa sheegtay in qorshahan oo ah mid mutadawacnimo ah laga hirgelindoono degaamo dhaca koonfur-bari ee Ingirriska, ka dib markii qiimeyn madaxbannaan oo lagu sameeyey xukunno nuucaan ah oo horay u dhacay ay sidaas ku talaiyeen.

Dhufaanka kiimikeysan oo lagu dhex darayo daawooyinka dhimirka, ayaa la siiyaa dadka lagu helo in ay kufsi geysteen.

Wasiir Shabana maxamud oo ka hadleysay Aqalka Odayaasha UK ayaa sheegtay in ay sii kordhineyso baaritaannada loogu kuurgalayo waxtarka habkan cusub ee lagu hami jabinayo dadka geysta falalka kufsiga, iyadoo intaas ku dartay in ay ka baaraandegeyso in dalka oo dhan si buuxda looga dhaqangeliyo dhufaanka kiimikeysan, basle ma sheegin xiliga la bilaabayo qorshahan.

Dhufaanka qaabkaan ah waxaa laga isticmaalaa qaar ka mid ah dalalka Yurub, sida Jarmalka iyo Denmark oo hanaanakan u adeegsada in lagu dhimo himadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here