Dadka reer Mareykan oo xusaya shan sano guuradii ka soo wareegatay dilkii George Floyd

0
120

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qoyska George Floyd, oo ahaa nin madow oo booliska Mareykanku ay dharaar cad ku dileen magaalada Minneapolis ayaa ballanqaaday in ay sii wadayaan ololaha ay ugu qareemayaan dhiibanayaasha midab-takoorka.

Eheladan George Floyd ayaa hadal ka sheegay xuska sannad guuradii shanaad ee ka soo wareregtay geeridiisa.

George Floyd dukaan lagu magaacbo Cap Foods ayuu ka iibsaday sigaar. Shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska wacay una sheegay inuu Floyd uu siiyey 20 doolar oo bug ah.

George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa Minneapolis.

Wuxuu wakhtiyadi ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayey maqaayad inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la’aan ahaa.
George wuxuuna in mudda ah uu macamiil u ahaa dukaanka Cup Foods oo uu inta badan wax ka iibsan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here