Baladweyne ( Radio Beerlula )-Boqolaal qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka toddobaadyadii la soo dhaafay magaalada caasimadda ah ee Khartoum, iyadoo xaaladda bini’aadantinimo ay sii xumaanayso in ka badan 2 sano tan iyo markii uu dagaalku qarxay.
Ururada samafalka ayaa sheegay in cudurka daacuunka dillaacay uu yahay mid si toos ah uga dhashay colaadda ba’an ee aan kala joogsiga lahayn.
Dadka ilaa hadda ka badbaaday dagaalka ayaa hadatan ku qasbanaaday inay isticmaalaan biyaha wabiga Niil oo aan la daweyn.
Iyadoo in ka badan 70% isbitaallada la burburiyay intii uu socday dagaalka, daryeelka caafimaadku ayaa ah mid aan la heli Karin ama aan la awoodin.
Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in xarumaha yar ee haray ay buux dhaafiyeen.
Kiisas gaaraya ilaa500 oo cudurka daacuunka ah ayaa magaalada Khartoum laga soo sheegay hal maalin gudaheed usbuucii la soo dhaafay.


