Nin u dhashay Liibiya oo magaciisa darted diyaarad looga reebay.

0
108

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Safar markii hore u muuqday mid fudud oo Xajka lagu soo gudanayo ayaa soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii xag alle ay ka fariisatay diyaarad diiddey in ay qaaddo Xaaji reer Liibiya ah oo lagu takooray magaciisa awgiis. Sheekadan oo lagu qoray Wargeyska Gulf News ayaa ka turjumeysa oraahdii ahayd “Sirmaqabe Allaa u sahan ah”.

Caamir Al Mahdi Mansuur Al Qadaafi, oo ah nin dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Liibiya wuxuu u xirxirtay safar uu ugu baxayey Xajka, si uu u soo guto midka mid ah tiirarka Islaamka oo uu in muddo ah ku taamayey.

Laakiin garoonkii uu ka dhoofi lahaa ayaa waxaa ku qabsatay mixnad la xiriirta magaciisa dambe ee Al Qadaafi oo tuhun ku abuuray saraakiisha garoonka. Sababtoo ah macagacan waxaa lagu xasuustaa hoggaamiyihii dalkaas muddada dheer soo xukumayey ee Mucamar Al Qadaafi, kaas oo inkastoo xukunka laga tuuray toban sano ka hor, haddana weli ka dhex guuxaya maskaxda dadka.

Muddo yar ka dib, waxaa diyaaraddii soo food saartay cillad farsamo, waxaana khasab ku noqotay in ay garoonkii ay ka kacday ay dib ugu soo laabato. Ka dib markii cillad bixin lagu sameeyey isla markaana meelihii laga shakisanaa laga giijiyey, diyaaradii mar labaad ayey duushay. Laakiin mar kale ayaa waxaa ku soo noqotay cilladdii, taas oo ku kalliftay in ay garoonkii mar labaad ku soo laabato.

Sida laga soo xigtay rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda, duuliyihii diyaradda oo ka argagaxsan sida uu labo jeer u sigtay, islamarkaana fahmay meesha laga haysto ayaa dhaar ku maray in uusan mar kale ka tageyn xaajiga, isagoo yari ” Alle ayaan ku dhaartay diyaaraddan oo uusan Caamir la socon in aanan duuleyn”.

Intaas ka dib mas’uuliyiintii garoonka oo culeys weyn kala kulmay xujeyda caddiban, isla markaana ka baqay in dhacdadani ay diyaaradda iyo rakaabka salfato ayaa isku daygii 3-aad Caamir u fasaxay duullimaadka. Sidaasna diyaaraddii waxay ugu ambaxaday Xajka iyadoo saacado ka dib si habsami leh uga degtey Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here