Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagax dhigay waddo interlock taasi oo laga hirgelinaayo Waaxda Faanoole ee Degmada Kaaraan.
Munaasabadda dhagax dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.


