In ka badan 8 malyan oo sannad kasta u dhimata cunista Tubaakada iyo maalinta ka hortaga oo maanta la xusayo.

0
250

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowlaha xubnaha ka ah hay’adda caafimaadka ee WHO ayaa sannadkii 1987-dii isku afgartay in sannad kasta 31-da bisha May oo maanta ku beegan dunida looga dabal dego maalinta caalamiga ee ka hortaga tubaakadda.

Maalinta ayaa looga gon lee yahay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa halista tubaakada, in lagu dhirigeliyo dadka cuna inay iska dhaafan,iyo tageerida siyaasadaha xakamaynaya tubaakada.

Khatarta caafimaad ee laga kulmo ayaa waxaa ka mid ah neefta, kansarka afka, dhuunta, sambabada, iyo wadne xanuun, waxana sidoo kale laga dhaxlaa dhaqaale burbur, iyadoona bulshada iyo xubnaha qoyskiisa ay waxyeelo caafimaad kala kulman qofka caba sigaarka maadaam inta badan guriga iyo goobaha danta guud ama la iskugu yimado ay ku caban.

Dr. Abdirahman Mohamed Abiikar oo kamid ah bahda caafimaadka ee ka howlgala magaalada Baladweyne ayaa Radio Beeerlula uga waramay muhiimadda maalintan iyo caafimaad darada lagala kulmo isticmaalka Tubaakada.

Mustaf Cabdi Aadan oo kamid ah dadkii horay u isticmaali jaray ayaa Radio Beerlula uga waramay saameynta uu kala kulmay.

Qaar kamid ah Culimada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay waxa diinta islaamka ay ka qabto cunista tubaakada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here