Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saynisyahanka u dhashay Faransiiska ee hindisay kaniiniga uurka looga hortago ayaa geeriyooday isagoo 98 jir ah.
Étienne-Émile Baulieu ayaa gacan ka geystay soo saaridda kaniiniga afka laga qaato ee RU-486, oo sidoo kale loo yaqaan mifepristone, kaasooo malaayiin haween ah oo daafaha dunida ku nool fursad u siiyay kala korinta ilmaha iyo ka hortagga uurka.
Dr. Baulieu ayaa shalay ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla Paris , sida ay xaqiijisay xaskiisa.


