Kooxda kubadda cagta ee macalimiinta iskuulka 𝐁𝐮𝐮𝐧𝐝𝐨 𝐰𝐞𝐲𝐧 oo rigoorayaal 𝟐-𝟎 uga badisay kooxda macalimiinta iskuulka 𝐗𝐚𝐚𝐰𝐨 𝐓𝐚𝐚𝐤𝐨

0
338
Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta ee macalimiinta iskuulka 𝐁𝐮𝐮𝐧𝐝𝐨 𝐰𝐞𝐲𝐧 ayaa rigoorayaal 𝟐-𝟎 uga badisay dhigeeda kooxda macalimiinta iskuulka 𝐗𝐚𝐚𝐰𝐨 𝐓𝐚𝐚𝐤𝐨 kadib markii barbaro 𝟒-𝟒 ah ay isla dhaafi waayeen.
Ciyaartan oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa daawanayay dhalinyaro ka kala timid xaafadaha magaalada Baladweyne islamarkana kala tageerayay labada kooxood.
Kooxda kubadda cagta Iskuulka 𝐁𝐮𝐮𝐧𝐝𝐨 𝐰𝐞𝐲𝐧 ayaa u gudubtay wareega xiga ee tartanka halka kooxda iskuulka 𝐗𝐚𝐚𝐰𝐨 𝐓𝐚𝐚𝐤𝐨 ay ka hareen tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here