Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shan xubnood oo ka tirsan kolonyo Qaramada Midoobay oo gargaar u siday magaalada El-Fasher ee dalka Suudaan ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday, halkaasoo colaadaha sokeeye ay sameeyeen.
Dhowr qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, baabuur badanna waa lagu gubay weerarka kaas oo ka dhacay meel u dhow El-Koma ee gobolka Waqooyiga Darfur.
Labada dhinac ee dagaalka sokeeye ee ba’an ku haya dalka Suudaan – Ciidamada Rapid Support Forces (RSF) iyo ciidanka caadiga ah ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu diyaaradaha aan duuliyaha laheyn uu ku weeraray kolonyada Qaramada Midoobay.
QM ma aysan faahfaahin weerarka iyo sida uu u dhacay, balse waxay ku baaqday in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo, isla markaana lala xisaabtamo kuwii ka dambeeyay.


