Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xaafiiska Hay’adda NIRA ee Magaalada Gaalacayo ayaa laga bilaabay bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka, kadib markii qaar kamid ah Bulshada magaaladaasi ay is diiwaangeliyeen si aay u helaan kaarkan.
Furitaankan bixinta kaararkan waxaa ka qeybgalay masuuliyiin kamid ah Xaafiiska Hay’adda NIRA ee Magaalada Gaalacayo,Duwa degmadaasi,Odayaal ,waxgarad iyo bulshada qeybaheda kala duwan.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.


