Maalinta caalamiga ee la dagaalanka kalluumeysiga sharci darada ah oo maanta dunida laga xusayo

0
118

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkii 40-aad ee hay’adda cunnada iyo beeraha qaramada midoobay ee FOA ayaa sannadkii 2017-kii lagu meelmariyay qarar ujeedkiisa uu yahay in sannad kasta 5-ta bisha June oo maanta ku beegan dunida looga dabal dego maalinta caalamiga ee la dagaalanka kalluumeysiga sharci darada ah.

Hay’adda cunnnada iyo beeraha qaramada midoobay ee FOA ayaa sheegtayin sannad kasta 11-26 milyan oo tan oo kalluun ah lagu kaluumeysto si sharci daro ah iyadoona lacagtiisa lagu qiyaasay 10 ilaa 26 bilyan oo dollar.

Kalluumeysiga sharci-darradaa ayaa halis weyn ku ah badda,dhaqaalaha kalluumeysatada maxalliga ah, iyo nolosha bini’aadamka.

Dalkeenna Somaaliya oo leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika taasoo lagu qiyaasay 3,300 km islamarkana leh kheyraad badeed oo aad u badan ayaa ayaa tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe waxaa si sharci daro ah uga kallumeystaya doonyo ajaanib ah oo aan heysan wax oggolaansho ah.

Gudoomiyaha iskaashatooyinkanka kaluumeystada Tawakal Cabdinaasir Sheekh Cumar Mahdi Qaluuse ayaa ka waramaya ahmiyada maalintan iyo waxa ay uga dhigantahay maalintan.

Qaar ka mid ah kaluumesatada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay caqabadaha ay kala kulmaan jilaabashada kaluunka madama aysan haysan qalab ku filan.

Qaramada midoobay ayaa dowladaha caalamka ku boorisay inay xakameeyaan kallumeysiga sharci darada ah kaasoo dhibaato badan ku haya kallumeysata dalalka soo koraya oo uu ku jiro dalkeenna.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here