Guddoonka ururka kubadda cagta Baladweyne oo codsaday in roog loo saaro garoonka Laqanyo.

0
189

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Inkastoo magaalada Baladweyne uu ka socdo horumar dhanka kubadda cagta ah ayaa hadda waxaa jira caqabado ku gumadan isboortiga gobolka Hiiraan taasoo ay ka mid tahay inuusan shaqeyn garoonkii kubadda cagta Laqanyo kaasoo u baahan yahay dib u dayactir iyo in la saaro roog macmalka.

Garoon la’aantan heysta ururka kubadda cagta degmada Baladweyne ayaa ku kaliftay inay kireystan xiliyadda ay qabanayan tartamada garoomada gaarka loo lee yahay si kor loogu qaado is dhaxgalka bulshada islamarkana looga madadaaliyo dhalinyarada tahriibka iyo maandooriyaha.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here