Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxaha kala matalaya Buundoweyn School VS Somalia Central School ayaa galabta lagu furi doonaa wareega labaad ee tartanka Macalimiinta qaar kamid ah Iskuulada ku yaalo magaalada Baladweyne maadaama horay ugu soo badiyeen iskuulada Xaawo Taako iyo Iskuulka Ileys.
kullankaan ayaa noqonaya mid kamid ah kulamda ugu xiisaha badan ee laga daawado inta uu socdo Tartanka iyadoo la filayo in ay usoo daawasho tagaan Gudoonka Kubadda cagta Gobalka iyo kan degmada , Macalimiin , Bahda garsoorka iyo Dhallinyarada.
Xogta kullanka
Macallimiinta :-Buundoweyn School VS Somalia Central School
Goobta: Buulaxaabley.
Waqtiga: 4:30 PM


