Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay Munaasabad lagu furayay garoomo cusub oo lagu ciyaaro Kubada Tennis-ka , Basketball Islmarkaana laga hirgeliyay xarunta SOS ee degmada Heliwaa.
Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha SOS Village Children, Mudane Cabduqadir Dhaqane, Xildhibaano, mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Xiriirrada.
Warkan waxa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey


