Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle Mudane Abdi Dahir Guure Karoore ayaa si rasmi ah uga daah-furtay degmada Jalalaqsi barnaamij wacyi-gelin ah oo horudhac u ah hanaanka dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmada Jalalaqsi.
Xafladda furitaanka waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bushada gaar ahaan odoyaasha dhaqanka, dhalinyarada ,haweenka iyo maamulka Degmada Jalalaqsi.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.


