Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxaha kala matalaya Hiiraan Integrated Scool Vs Safa School ayaa galabta ciyaaraya wareega labaad ee tartanka Macalimiinta qaar kamid ah Iskuulada ku yaalo magaalada Baladweyne .
kullankaan ayaa noqonaya mid kamid ah kulamda ugu xiisaha badan ee laga daawado inta uu socdo Tartanka iyadoo la filayo in ay usoo daawasho tagaan Gudoonka Kubadda cagta Gobalka iyo kan degmada , Macalimiin , Bahda garsoorka iyo Dhallinyarada.
Labadaan iskuul kii soo badiya waxa uu si toos u aadi doonaa Semi-Final ka tartanka isaga oo kula biiri doono Iskuulada Buundoweyn School iyo Hormuud School oo horay isaga xaadiriyay Semi-Finalka.
Xogta kullanka
Macallimiinta :- Hiiraan Integrated Scool Vs Safa School
Goobta: Buulaxaabley.
Waqtiga: 4:30 PM


