Baladweyne (Radio Beerlula)- Cabdi Xassan Aadan waa 33 sano jir ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan islamarkana nolosha reerkiisa ka mareeya caseynta kabaha kuwaasoo ka kooban 15 ruux oo iskugu jira xaskiisa, caruur la dhalatay, hooyadii iyo kuwa agoon ah oo uu dhalay wiil la dhashay isaga.
Shaqadan caseynta kabaha ayuu bilaabay isagoo 7 sano jir, waxana shaqadan uu ka helaya maalinta ay ugu badan tahay 2 dollar taasoo aan ku fileyn nolosha reerkiisa balse duruufta ay biday shaqadan.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.


