Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan looga hadlayay xoojinta nabadda iyo xalinta khilaafadka kaasoo saddexdii biloodba mar la qabto.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan wasaaradda haweenka, odayaal dhaqameed, haween iyo dhalinyaro kuwaasoo door muhiim ah ka qaata nabadda iyo xalinta khilaafadka bulshada soo kala dhaxgala.
warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi saneey


