Baladweyne ( Radio Beerlula)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle ayaa magaalada Beledweyne ka Daahfurtay Aqoon is weydaarsi la xiriiray wadatashi ku saabsan sameynta siyaasad daadajin maamul maaliyadeed ee Dowladaha Hoose Hirshabelle .
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle mudane Liibaan Abdirahman ayaa daahfuray kulanka waxaana kala qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Wehliye, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan dhinaca Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Sheikh Nuuriyow, Duqa Magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin, gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo Amniga Degmada Beledweyne mudane Muxumed Cali Maxamuud (Dabagaab) .
Ujeedada aqoon isweydaarsiga ayaa ah sidii looga wada tashan lahaa qorsheynta siyaasad xasiloon iyo nidaam maaliyadeed oo leesku haleeyn karo .
Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.



