Xildhibannada Senate ka Mareykanka oo ansixiyay sharciga maamul ee lacagaha Dijitaalka.

0
114
Digital dollar concepts. 3D render

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyey sharci loogu talagalay in lagu sameeyo qaab-maamul loogu talagalay lacagaha dijitaalka ah ee loo yaqaan ‘stablecoins’ ee ku xidhan doolarka Mareykanka.

Arintan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay ee taariikhi ah ee sharci loo sameeyo hantida dijitaalka ah.

Sharcigan oo loogu magac daray GENIUS Act ayaa tageero ka helay qaar ka mid ah Dimuquraadinta iyo intooda badan jamhuuriga.

Golaha Wakiilada, oo ay xukumayaan Republican-nada, ayaa u baahan in ay ansixiyaan nuqulkooda ka hor inta aan loo gudbin Madaxweynaha Donald Trump si uu u saxiixo.

Golaha Wakiilada ayaa horay u ansixiyey sharci ku saabsan stablecoins sanadkii hore balse Golaha Senate, markii Dimuquraadiyiinta xukunka hayeen, ma qaadin, waxaana uu ku burbay marxaladdii wada hadalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here